Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta gaaray halkaasi.
Geelle iyo Biixi ayaa waxaa ay ka wada hadleen danaha labada dhinac, adkaynta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada.
Sidoo kale, waxaa kulankaasi lagu soo hadal qaaday sidii horeyba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada.
Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo, iyaga oo halkaasi kulamada kasii wadi doona.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan safar ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





