Jowhar (Halqaran.com) – Kalfadhiga koowaad Kulankiisa 10aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Arbacadii maanta waxaa uu ka qabsoomay Caasimada Hirshabeelle ee Jowhar
Kulanka oo uu shir Guddoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr. Cabdixakiim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Xassan Cusmaan ayaa Ajandahiisu ahaa u codeynta wax kabadalka mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Hirshabeelle ayaa Xildhibaanada kahor Akhriyey Qodobada Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka hadlaaya Awoodaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Xildhibaanada Faah Faahin kasiiyey Qodobada Dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo
Intaas kadib Xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Muddo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboledka Hirshabeelle oo ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta, waxaana uu sheegay kulanka ay xaadir ahaayeen 70 xildhibaan 66 Xildhibaan ay ogolaatay saddex ay diiday halna uu ka aamusay sidaasina uu ansax ku yahay waxka bedelka lagu sameeyay Hay’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Ugu dambeyn, tallaabadaan ay Baarlamaanka Hirshabeelle ku kordhiyeen muddo xileedka Madaxweynaha Hirshabeelle & tan Baarlamaanka oo markii hore ahaa Afar sano ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran uu kajiro dhismaha Hirshabeelle, isla markaana dadka degan gobolka Hiiraan ay kasoo horjeesteen doorashadii ka dhacday Jowhar.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





