Muqdisho (Halqaran.com) – Xubnaha Guddiyada doorashooyinka ee lagu mursan yahay ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee BF ah ee Soomaaliya.
Guddigaa ayaa waxaa ay sheegeen in iyaga oo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020 ay gaareen Madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ay maanta oo ay tariikhdu tahay 23-ka Decembar 2020 shaacinayaan taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.
Diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare ayaa bilaabanaysa 26-ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska musharraxiinta ay soo saaraan 29-ka Decembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Janaayo 2021-ka
Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Janaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faah-faahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.
Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ee lagu mursan yahay ayaa waxa ay sheegeen in ay rajeynayaan in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.
Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda ayay guddiga ugu baqeen inay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.
Tallaabadaan ay jadwalka doorashada Baarlamaanka labada Aqal ku soo saareen guddiga doorashooyinka lagu mursan yahay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an heshiis laga gaarin Guddiyada oo ay kasoo horjeesteen Midowga musharrxiinta Madaxweynaha iyo inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






