Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle oo si kulul uga hadlay oday 92 jir ah oo hoygiisa lagu dilay

Warsheekh (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilka nin oday ahaa habeen hore loogu gaystay duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nuur Macow Sirey oo 92 jir ahaa ayaa lagu dilay deegaanka Maaxaay, ka dib markii rag hubeysan ay aano qabiil ugu dhex dileen hoygiisa oo ku dhex yaala beer uu lahaa.

Madaxweynaha Hirshabelle oo shalay ka hadlayay Degmada Warsheekh oo booqasho uu ku tagay ayaa sheegay in dilka odaygaasi laga raadinayo xumaan iyo in la soo cusbooneysiiyo buu yiri dagaal dhexmara dad walaalo ah.

Maxamed Cabdi Waare,  ayaa intaa ku daray in nasiib darro weyn ay tahay in dad walaalo ah ay ku dul dagaalamaan hareeraha Degmada Warsheekh, haddii ay Warsheekh tahay sida uu sheegay mid caan ku ah magaalo culimo iyo mid diimeedba.

Wuxuu wax laga xumaado ku sheegay in dad masuuliyiin ah, ay indhaha uun ka daawanayan dagaal beeleedyada iyo dilalka aanooyin xagga beelaha la xiriira, isla markaana sida uu sheegay aan dooneyn inay wax ka qabtaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Maamulka Degmada Warsheekh iyo Golaha Deegaanka kula dardaarmay inay xoojiyan midnimada iyo ammaanka degmada ku taala Xeebta Badweynta Hindiya.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Talaadadii Degmada Warsheekh ka daahfuray gogol dib u heshiisiineed, oo ay tahay in loo qabto qaar ka mid ah beelaha degga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...