Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Mareykanka: Hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah baan duqeyn ku dilnay

Saakow (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay Talaadadii shalay ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

War qoraal oo ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday meel ku dhow Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

AFRICOM ayaan warkan ku sheegin magaca hoggaamiyaha sare ee ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dilay duqeyntaasi.

Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos).

Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa horey uga tirsanaa Saraakiishii Ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Ururka Al-Shabaab. Tan iyo xilligaana wuxuu ku jiray Ururka Al-Shabaab.

Kumaandoos ayaa mar soo noqday Madaxii Jabhadaha ee Ururka Al-Shabaab, iyadoona uu dhawr goor horkacay weeraro lagu galay xeryo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ururka Al-Shabaab kama aynaan hadlin duqeyntan ugu dambeysay ee ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, laguna dilay Sarkaal muhiim u ahaa.

Al-Shabaab ayaa inta badan looga baran inay ka hadlaan waxyeelada ka soo gaarta weerarada dhinaca cirka.

Ugu dambeyn, taliska AFRICOM ayaa warka ku sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibadooda, ay sii wadi doonaan weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...