Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka gargaarka ee DF Somaliya oo maanta gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee XF Soomaaliya, Xamsa Saciid Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe, Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxa la filayaa in maamulka Galmudug ay ku wareejiyaan agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxda Sare ee Galmudug.

Sii hayaha, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa shalay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ku wareejiyay la socoshada isbedelada Cimilada.

Maamulka Puntland ayaa la flayaa in sidaasi si la mid ah loogu wareejiyo qalabkaan lagula soconaayo xaaladaha Isbedelada Cimilada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...