Dhuusamareeb (Halqaran.com) –Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan kula qaatay Magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kulankan oo la sheegay, in uu saacado badan qaatay, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu kala hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalku galay, loona baahan yahay in Galmudug ay sii xoojiso doorkeeda Siyaasadeed.
“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la filayaa in uu Dhuusamareeb uga soo gudbi Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, halkaasi oo lagu marti qaaday inuu hadal ka jeediyo xarunt PDRC ee Magaaladaasi, sida uu ku sheegay hadalka kooban ee uu Saxaafadda Siiyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







