Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray goobta loo asteeyaay in lagu karantiilo dadka la il-daran Covid-19 +(SAWIRRO)

Cadaado (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii xariga ka jaray xarun lagu wado in lagu karantiilo dadka reer Cadaado, kuwooda uu soo rito xanuunka COVID-19.

Xaruntan cusub ayaa waxaa lag hirgeliyay qayb ka mida Isbitaalka Guud ee Cadaado, oo isla Jimcihii la qalabeeyay, sidoo kalana lagu xiray qalabka Oxygen-ka, si lagula tacaalo dadka uu naqaska ku yar yahay.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa soo kormeeray goobta loo asteeyay in lagu karantiilo dadka la ildaran COVID-19.

Qoorqoor ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in agabka caafimaadka ee looga hortaggo COVID-19 u soo dhameystirto deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha oo la hadlayay dadka reer Cadaado ayaa ugu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan, haddiiba ay qirsan yihiin in xanuunka uu ku soo fiday magaaladooda.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Dowladda Federaalkuba waxaa ay dadka reer Cadaado u muujiyeen in ay garab taagan yihiin, ka dib markii Madaxweynaha uu maalintii Arbacada booqasho ugu tagay, sidoo kalana ay Dowladda Federaalka u dirtay diyaarad siday agabka ay suurtagalka tahay in xanuunka lagu xakameeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...