Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Minneapolis: Askarigii dilay George Floyd oo xabsiga la dhigay, maxkamadna wajahayo

Minneapolis (Halqaran.com) – Askarigii sababteeda lahaa in uu geeriyoodo George Floyd oo nin madow ahaa ayaa saacado ka hor la shaaciyay in la soo xiray, iyadoona uu maxkamad wajahi doono.

Derek Chauvin ayaa Isniintii la arkay isagoo qoorta kaga taagan George Floyd, xilli uu garbaduub u jeebeysnaa gudaha Magaalada Minneapolis, isla-markaana uu ku dhawaaqayay inaanu neefsan karin, hase ahaatee aanu wax arxan ahi askarigaasi u muujin. Ninkaasi ayaana mar dambe u geeriyooday naqaska oo ku dhegay.

Tallaabada lagu soo xiray askarigaasi oo maalintii Arbacada shaqada laga eryay ayaa waxaa soo dedejisay dibadbaxyada rabshadaha wata, ee weli ka soconaya Magaalada Minneapolis.

Dibadbaxayaasha oo carro xoogan ka muujiyay geerida George Floyd ayaa dalbaday in si deg deg ahi loo soo xiro askarigii booliska ka tirsanaa iyo weliba askartii kale ee la socotay.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Wakiilada Mareykanka ee laga soo doorto Gobolka Minnesota ayaa sheegtay in ninka bulshada madowga Mareykanka ka soo jeeday la dilay maalin cad.

Waxa ay Ilhaan Cumar iftiimisay in xasiloonida darrada ka dhex jirta bulshada ay sababtay cadaalad darrada mudada dheer soo jirtay.

“George Floyd waxaa magaaladeena lagu dilay maalin cad. Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan Xeer Ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.” Ayay tiri Ilhaan Cumar oo warkan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...