Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxtooyada Villa Somaliya oo shaacisay xilliga uu furmayo Shirka DF Somaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta Khamiista ah ee soo socoto uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono Shir u dhaxeeya dhammaan maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaan lagu dhammeystiri doono Shirkii Dhuusamareeb3.

“Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiista, 10-ka September shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 (Dhuusamareeb3)” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maalinta berri shir uga furmi doono magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho todobaad ku sugan Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo kasoo horjeedda qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...