Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Baydhabo & Shir saddex-geesood ah oo halkaasi ka furmaya +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirro, Xildhibaano iyo qaybaha bulshada ayaa Madaxweynaha Hirshabelle si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Wafdiga Madaxweyne Hirshabeelle ayaa waxaa qayb ka ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle iyo Wasiirro ka tirsan Maamulkaasi.

Madaxweyne Waare oo ka hadlay socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in socdaalkiisan uu la xiriiro shir ay ku leeyihiin magaaladaasi Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Dr. Waare ayaa xusay inay ka arrinsanayaan dardargelinta Shirarkii Dhuusamareeb, oo muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isna lagu wadaa illaa berri inuu gaaro Magaalada Baydhabo, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa labadaasi hoggaamiye ku soo casuumay shir ay ku yeeshaan Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamo la dhigay waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...