Beledweyne (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka taagan cabsi aad u xooggan, taasi oo soo food saartay shacabka ku nool magaaladaasi, kaddib markii uu ku fatahay Wabiga qeybo ka mid ah magaalada.
Cabsida ayaa waxay ka dhalatay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Wabiga Shabeelle ee mara Gobollada Koonfurta Soomaaliya uu markale sanadkan fatahaado ka gaysan doono magaaladaasi.
Wabiga oo dhex mara Magaalada Beledweyne ayaa waxay dadka deegaanka ka baqdin qabaan in uu si weyn ugu fataho labada daamood ee magaalada, waana mid markale dadka reer Beledweyne ku riixeysa inay guryahooda isaga barakacaan.
Wabiga Shabeelle ayaa xilligan bilaabay inuu ku fataho qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne, inkastoo aysan fatahaaddu ahayn mid daran, hadana waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socdo ay xoogeystaan.
Wararka ay haleyso Warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in qoysaska ku dhaqan xaafadaha Xaawo Taako, Kooshin, Hawlwadaag iyo Buundoweyn ay qaarkood Talaadadii maanta bilaabeen inay ka barakacaan magaalada.
Guddoomiyaha Guddiga Kahortagga Fatahaadaha Beledweyne, Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur, ayaa sheegay inay isu deyayaan inay moosaan karkaarada uu jabsaday Wabiga.
Si kastaba ha’ahaatee, roobabka mahiigaanka ee xilligan ka da’aaya buuraleyda dalka Itoobiya ayaa laga digay inay ka dhalato fatahaado xooggan, oo uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





