Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Madaxda dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo kulan u socdo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa hotel ku yaalla xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Kulanka u dhexeeya dhammaan madaxda shanta dowlad goboleed iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlayaa qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa.

Sidoo kale kulanka dhinacyada ayaa waxaa looga arrinsanayaa shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasi oo looga hadli doono doorashada.

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa horey is faham uga gaaray shuruudaha madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu xireen ka qeyb galka shirka guud ee madaxda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Shanta madaxweyne dowlad goboleed ku boorinayay inay qaataan doorkooda kaga aadan hirgelinta heshiiska doorashada ee 17 September iyo in dalka doorasho lagu mideysan yahay ka dhacdo.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaran qilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...