Thursday, April 23, 2026
27.7 C
Mogadishu

Tuug ku dhex hurday guri uu u soo galay inuu dhaco!

Thailand (Halqaran.com) – Tuug ayaa jabsaday guri, xilligii uu ku jiray howsha xatooyada ayuu lulmooday kaddib mid ka mid ah sariirihii dhex yaalay ayuu hurdo kula dhacay.

Dhacdadaan waxay ka dhacday Thailand. Dadka deegaanka Phetchabun ayaa ku soo toosay ninkaan oo jiifa mid ka mid ah guryaha deegaanka. Waxaana la ogaaday inuu wax dhicid u soo galay aqalka.

Tuuga ayaa la sheegay inuu aad u daalanaa oo uu go’aansaday inuu wax yar iska indha gaduudsado kaddibna uu howshiisa galo balse hurdadii ayaa la tagtay oo waa lagu soo toosay.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in guriga uu jabsaday tuuggu uu degganaa nin boolis ah. Athit Kin Khunthud oo ah eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsi, waxaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...