Muqdisho (Halqaran.com) – Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay kulankii maanta dhexmaray iyaga iyo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo ka dhacay hotel ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde.
Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka oo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada, si loo helo tanaasul, isla markaana loo gudbo Shirka guud ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shanta madaxweyne dowlad goboleed ku boorinayay inay qaataan doorkooda kaga aadan hirgelinta heshiiska doorashada ee 17 September iyo in dalka doorasho lagu mideysan yahay ka dhacdo.
“Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka dowladda federaalka iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Septeembar” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, kaddib kulankii maanta.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaraan qilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com





