Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) – Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso, sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Jubbaland ayaa qorsheynaysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolkaasi, ka dib doorashada dalka ka dhacday ee looga adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay dhowr kun oo askari gaysay gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa Jubbaland ku gacan-seyray in ciidamada laga saaro gobolkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in weli ay taagan tahay baahidii markii horeba ciidamadaasi loo geeyay gobolka xuduudda ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

“Anaga wanaag uun baan ka fileynaa dowladda cusub, waxaana ka fileynaa wax aad iyo aad u qiimo badan, maxaa yeelay Madaxweyne xog ogaal ah oo laba xilli soo maray baa maanta Madaxweyne ah. Anaga iyo Jubbaland khilaafkii naga dhex jirayna xog ogaal u ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada Somaliya goob kasta ayay diyaar u yihiin inay taggaan, ayna difaacaan, sababtoo ah xuduud waxaan la leenahay Itoobiya iyo Kenya, labaduba waxay u baahan yihiin in Dowlad Federaal ah ay joogto meesha, oo ay ka muuqato, goob kastana ciidamada waxay u taagan yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo inay shacabkooda caawiyaan.”

Gudoomiye Gareed ayaa yiri “Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.”

Gareed ayaa yiri “Madaxweyne Xasan, shalay wixii ka halaabay looma haysanin, maxaa yeelay nin xilka ku cusub oo afar sano joogay buu ahaa, laakiin maanta waa waaya-arag, wixii ka halaabo caqli xumo ugama halaabin, waaya-aragnimana ugama halaabin, garasho xumana ugama halaabinee waa wuxuu ku tala-galee noqonaysaa.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com