Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una dhigan $9.52malyan oo Dollar.
Safiirka Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya iyo Wasiirka amniga gudaha ayaa Khamiistii maanta ka saaray Bangiga dhexe ee Muqdisho, lacag dhan $9.6malyan oo 4-sano ka hor lagu qabtay madaarka Aaden Cadde, taas oo ay DF Soomaaliya ku sifeysay in ay sharci darro ahayd.
Deeqdaan Imaaraatka ayaa lagu sheegay in loogu talo-galay wax kaqabashada Abaaraha iyo Caruurta Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Al-Ain.
Sidoo kale, deeqdaan ayaa ah isla midii horay looga qabtay gudaha Soomaaliya, haddana isla iyadadii baa dib loogu deeqay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





