Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo war cusub ka soo saaray arrinta gobolka Gedo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay, isagoo xusay in muddo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hoggaaminayay, isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayd ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha cusub Soomaaliya ee la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in maanta laga billaabo la fasaxay dhammaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii la soo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland.

Wuxuu intaasi raaciyay, in dhismaha golayaasha deegaanka laga billaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo, isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Isku soo wada duub, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka JUbbaland, ayaa xusay, in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii DFS ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...