Bosnia (Halqaran.com) – Hoghaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .
Milorad Dodik ayaa sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islamarkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaaladda Ukraine.
“Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda ugu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhexdhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.
Hoggaamiyaha Bosnia ayaa intaasi ku sii daray “Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabatayn ah oo aan ku biirno Midowga Yurub ama cunaqabatayn caalami ah.”
Si kastaba, dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansaday in ay cunaqabateyn ku soo roggaan dalka Ruushka, ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





