Madaxweynaha Jubbaland ‘Axmed Madoobe’ oo ka hadlay Xildhibaannada cusub ee lagu dhaariyay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Jubbaland, ee Tallaadadii maanta lagu dhaariyay Kismaayo.

Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Xildhibaanada cusub ee ka mid noqday Baarlamaanka Jubbaland u rajeeyay in Alle la garab galo masuuliyadda culus, ee ay dadka reer Jubbaland u dhiibteen, sida uu yiri.

Axmed Madoobe, ayaa dhammaan shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in ay garab istaagan mid ka mid ah Hay’adahooda Dowliga ah, oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaaraysa sida uu sheegay qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa ku baaqay in la adkeeyo amniga iyo midnimada shacabka reer Jubbaland, ayna wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taas oo raad qurux badan u noqonaysa buu yiri Dimoqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland.

DF Soomaaliya iyo musharraxaiinta mucaaradka Jubbaland ayaa ku gacan seeray hannaanka doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland uga socdaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com