DHAGEYSO: Xukuumadda Somaliland iyo Dagaalka Ceel-Afweyn dadka ay ku eedaysay iyo khasaarihii oo kordhay

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire

Hargeysa (Halqaran.com) –  Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay korodhay Khasaaraha ka dhashay rasaastii ay kooxo hubeysan ku furtay dad ku sugnaa gudaha deegaanka Ceel-Afwayn.

Wasiirrada ayaa sheegay in dhimashada guud  ee Weerarkii ugu dambeeyay uu gaarayo  7-Ruux oo isugu jira 4 haween ah iyo 3 Dumar ah.

Mas’uuliyiintaan ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa waxay tacsi u direen Ehellada ay dadkaasi ka geeriyoodeen.

Wasiirradda ayaa sheegay in dadkii ka soo Horjeeday xaaladii deg-dega ahayd ee lagu soo rogay Ceel-Afwayn hada Tallo looga baahan yahay.

Qurbajoogta Somaliland iyo Dad ku sugan gudaha Deegaanka ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Colaadda deegaanka ee soo Noq noqotay.

Hoos ka dhageyso Shirka Jaraa’id wasiirrada Somaliland:

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com