XOG: Maxaa ka jira in dagaal lagu dhaawacay Afhayeenkii Al-Shabaab Cali Dheere?

Awdheegle (Halqaran.com) – Warar ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose lagu dhaawacay Afhayeenkii Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Saraakiil ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay sheegeen in Afhayeenka Ururka Al Shabaab lagu dhaawacay dagaal maalintii Axada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Shabaabka ku dhex maray duleedka Degmada Awdheegle.

Saraakiishan ayaa Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay Ciidanka Xoogga Dalka oo sahmin ku guda jira in ay wadada kula kulmeen kolonyo galbineysay Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in dagaalkaasi lagu dilay 17 ka mid ah maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay xubno uu ugu muhiimsan yahay Cali Dheere, iyadoo dhaawaca Cali Dheere ay ku sheegeen mid culus.

Dhanka kale, Idaacadda ku hadasha afka Ciidanka Xoogga Dalka ee SNA ayaa xalay baahisay in Cali Dheere uu dhaawac halis ah ka soo gaaray dagaal ka dhacay Deegaanka Shaam ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Idaacadda SNA ayaa tebisay in dhaawaca Cali Dheere lagula cararay deegaan hoos-tagga Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida ay sheegtay SNA waxaa dagaalkaasi lagu dilay 17 ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab, halka lagu dhaawacay 10 kale oo uu ku jiro Cali Dheere.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Halqaran.com in ay xog ku hayaan in la dhaawacay Cali Dheere, balse aanay dul tagin dhaawaciisa.

AL-Shabaab oo dagaalkan ka hadlay ayaa waxay sheegteen inay ku dileen 10 ka mid ah Ciidanka Danab, hase ahaatee kuma aanay soo hadalqaadin wararka sheegaya dhaawaca Afhayeenkooda Cali Dheere.

Si kastaha ha ahaatee, Ururka Al-Shabaab loogama baran inay faah faahiyan waxyeelada Saraakiisha iyo maleeshiyadooduba ka soo gaarta dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com