DHAGEYSO: Taliyihii ciidamada Booliska Dhuusamareeb oo Is-casilay, kaddib markii xubno Shabaab ah la fakiyay

Taliyihii Booliska ee Degmada Dhuusamareeb Dhamme, Burhaan Axmad Rooble

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab laga sii daayay xabsiga, taasi oo ay aad uga carreysiisay taliyihii saldhiga booliska Dhuusamareeb.

Taliyihii Booliska ee Degmada Dhuusamareeb Dhamme, Burhaan Axmad Rooble, ayaa saqdii dhexe ee xalay Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay, sababo ku aadan xubno Shabaab oo xabsiga laga fakiyay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay taliyaha ,magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee uu xilka hayay in uu caqabado kala kulmay maamulka, kadib markii laba nin oo si dhow ay ula xiriiriyeen Al-Shabaab laga sii daayay xabsiga, loona diiday inay baaritaano dhammeystiran ku sameeyan.

Tallaabada ay ku soo xireen labadaasi nin ayuu sheegay inay ka dambeysay, markii ay xog ku saabsan ka helayn dadka deegaanka. Labadan nin ayuu tilmaamay inay deegaanka ku cusbaayeen. Xilliga ay qabteen labadaasi nin ayuu sheegay inay taariikhda ku beegneyd 24-kii bishii March.

Taliyihii Booliska ee Degmada Dhuusamareeb Dhamme, Burhaan Axmad Rooble ayaa intaa ku daray inay soo laabatay dhacdo kale, kadib markii markale xabsiga laga soo daayay Shabaab kale, oo ay gacanta ku soo dhigeen 29-kii bishii hore ee April.

Ninkaas oo sida uu sheegay ka yimid Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga laga sii daayay 4-tii bishan, xilli uu ka maqnaa Saldhiga Booliska ee Degmada Dhuusamareeb. Ninkaasi ayuu sheegay in loo gudbiyay Degmada Cadaado, ogaal la’aantiisa.

Taliye Burhaan ayaa intaasi ka dib sheegay inuu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu 20-kii bishii February ee sanadkan uu u soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ka dib markii loo diiday in si madaxbannaan uu waajibkiisa u guto.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnaha laga fakiyay Saldhiga Dhuusamareeb, ay deegaan ahaan ka soo kala jeedaan Koonfurta Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ugu dambeyn, tani ayaa waxay fadeexad ku noqoneysaa Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, haddii Shabaabkii kol hore laga ciribtiray Magaalada Dhuusamareeb, ay maanta si fudud gudaha ugu soo geli karaan magaaladaasi, kolka la soo qabtana ay galaangal u helayaan in xabsiga laga sii daayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com