Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Nin Soomaali ah oo 30 qof kala goostay lacagtii ay ku aadi lahaayeen XAJKA +(Ogow Magaciisa)

Nairobi (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Nuur Xasan Cabdi uu lacagtii kala goostay 30 qof oo dooneysay inay xajka sanadkaan aadaan.

Ninkaan oo ku noolaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dadkaan uu lacagta ka aruuriyay isaga oo sheegtay inuu Wakaalad u haysto soo saarista Viisaha xajka.

Afhayeenka Golaha Culimadda Islaamka dalka Kenya ayaa sheegay lacagta ninkaasi uu la goostay inay gaareyso $120,000 oo doolar, lana waayay halka uu qabtay.

Qof ka mid ah dadka uu lacagta kala goostay ayaa sheegay in ninkaasi uu ugu yimid gurigiisa, islamarkaana uu u sheegay inuu u soo saarayo Viisaha Xajka, markii uu ku aaminay lacagtiina uu waayay meel uu kabaxay.

Dadka lacagaha lagala baxsaday ayaa u tagay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna laanta dambi baarista Kenya, si baaris loogu sameeyo dhaca ninkaan Soomaaliga ah uu u gaystay dadkaan doonayay inay xajka tagaan.

Ugu dambeyn, booliska dalka Kenya ayaa warbixin hordhac ah ku sheegay inay suuragal tahay ninkaasi inuu ku dhuumaaleysanaayo gudaha Koonfurta Sudan oo uu u baxsaday.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...