KENYA oo sheegtay in rag ka tirsan Al-Shabaab ay dileen Imaam Masaajid

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay rag ka tirsan Al-Shabaab inay dileen Imaamka Masaajid ku yaallo deegaanka lagu magacaabo Msambweni oo ka tirsan gudaha dalka Kenya.

Sida ay baahisay Warbaahinta The Star ee dalka Kenya oo warbixintaan qortay rag sheegtay inay horay uga baxeen Al-Shabaab, una dhashay dalka Kenya ayaa fuliyay dilka ninkaan Imaamka loo gaystay.

Omar Shehe oo Imaam ka ahaa Masaajidka deegaanka Mabokoni  iyo Bakari Dondo, ayaa la dilay Sabtigii markii ay toogteen shan qof oo ka mid ahaa Dhallinyarada Kenyaanka ah ee ka baxay Al-shabaab.

Ragga ninkaan dilay ayaa la sheegay in illaa Shan mar farriin ay u direen Imaamka, iyaga oo uga digaya wada shaqeynta uu la leeyahay Hay’addaha ammaanka Kenya iyo sidoo kale inuu basaaso rag Al- Shabaab ah.

Digniintii ugu dambeysay ee la sheegay raggaan inay u direen Imaamka ayaa waxa ay u qornayd sidan “Waxaan hubin doonaa in madaxiinna aan gooyno.” Waxaa Wargeyska The Star uu sheegay Farriintaasi in Imaamka loo diray 7-dii Bishii June.

Imaamka iyo qof kale ee lala dilay, ayaa dilkooda waxaa loo adeegsaday toorey, Budad iyo Baangado, kadibna ay baxsadeen raggii dilkaasi gaystay.

Ciidamada Kenya ayaa hawlgalo ay sameeyeen kadib waxa ay soo qabteen 10 ruux oo lagu tuhmaayo inay Al-Shabaab la shaqeeyaan, sidoo kalena lagu eedeynaayo ku lug lahaanshaha dilkii dhacay.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com