Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Dharkeenley ee G/Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna, duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Dharkeenley.

Yuusuf Xundubeey ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Dharkeenley, waxaana Masuulka la magacaabay uu horay ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Gaashaanle Dhexe, Yuusuf Xundubey ayaa xilal kala geddisan kasoo qabtay qeybaha Ciidanka, waxaana haatan loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Dharkeenlay.

Waxay aheyd, Talaadadii shalay markii Guddoomiye Cusub loo magacaabay Degmada kaxda ee isla Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com