Thursday, June 4, 2026
27.8 C
Mogadishu

Wafdi ka socda Mareykanka oo gaaray Baydhabo & Madaxweyne Laftagareen oo kala hadlay…

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo Arbacadii maanta gaaray magaaladaasi.

Kulan saacado qaatay ayey yeesheen Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga, waxana ay kaga hadleen kulankooda xaalada Dalka oo ugu horreyso Amniga, Abaaraha, Siyaasada iyo Hormarinta adeegyada Dowladda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbed, howlgallada ka socda iyo kuwa la filayo inay dhawaan ka bilaawday.

Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee gaaray Baydhabo ayaa dhankooda uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweyntooda, iyagoo sheegay inay laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, sida amniga iyo Abaaraha.

Sidoo kale, wafdi ka socday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda inay tagaan Magaalooyinka kale ee dowlad goboleedyada, iyaga oo madaxda maamullada kala hadli doona howlgallada ka socda dalka iyo waxka qabashada Abaaraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...