Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo maanta qaarkood ku soo waajahan Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in Caasimadda Muqdisho ay soo gaaraan wufuud ay kala hoggaaminayaan Madaxda dowlad gobolleedyada, si ay uga qeyb galaan Shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho.

Arbacada maanta ah ayaa waxaa Madaxda ugu horreeysay ee imaaneysa waxaa ka mid noqon doona Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed     (Laftagareen), halka Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ay iyana imaan doonaan Muqdisho.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berito ah ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Waxaana looga hadli doonaa dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ku kooban oo kaliya Hirshabelle, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DF Somaliya iyo maamullada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xallinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.

Ugu dambeyn, madaxda Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxda Shanta Dowlad Goboleed ayaa gebagabada shirkooda waxaa ay ka soo saari doonaan War-murtiyeed ay kaga hadalayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...