Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Faahfaahin ka soo baxeysa qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa  soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan ka yimaadeen xarunta degmada Kaxda.

Hay’adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo illaa hadda laga bixiyay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...