Muqdisho (Halqaran.com) – Guud ahaan muslimiinta Caalamka ayaa gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadan oo hadda mareysa tobanka dambe.
Bisha Ramadan oo ah bil cibaado ah oo aad loo camiro Masaajidda, lana iscafiyo, sidoo kalena Sadaqada aad loo bixiyo ayaa waxaa haddana Tobanka dambe tahay mid dhammaan aad loo sii laba jibbaaro cibadaada.
Sidoo kale, Tobanka dambe ee bisha Soon-qaad ayaa waxaa ku jira habeenka (Leyla-tul Qadriga) oo ah habeen ka kheyr badan kun habeen ahna habeen aad u fadli badan.
Sheekh Cabdi Xayi Aadan Sheekh Xasan oo ah Imaamka Masjidka Cumar Binu Khadaab ee magaalada Muqdisho ayaa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ka wareysatay muhiimadda Tobanka dambe ee bisha Ramadan u leedahay Muslimiinta oo dhan.
Haddaba halka hoose ka dhageyso Sheekh Cabdi Xayi oo Sharraxaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





