RW Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudi Carabiya

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha ah ee Todobaadkaan uu u dhoofo dalka Sacuudi Carabiya.

Mr. Rooble ayaa tagi doona labada Xaram ee  Shariifaynka ee Maka Al-Mukaramah iyo Madiintul-Munawarah, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan Barakaysan ee Ramadaan.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku lamaanan kulamo Diplomaasiyadeed oo uu la yeelan doono Madaxda dalka Sacuudiga.

Rooble ayaa safarkiisii saddexaad dalka dibadda uga ambabaxaya tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horey u booqday dalalka Qadar iyo Kuwait oo ka tirsan Golaha Iskaashiga dalalka Khaliijka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com