Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Maxay kaga hadli doontaa buuga ay soo saari doonto Meghan Markle?

Los Angeles (Halqaran.com) – Meghan Markle oo u dhaxda Amiir Harry ayaa dhawaan daabici doonta buugeedii ugu horreeyay ee carruurta, waxaana dhiirigaliyay ninkeeda Amiir Harry iyo wiilkeeda Archie.

Buugaan oo cinwaankiisu yahay “The Bench” wuxuu ku saabsanyahay Xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya aabaha iyo wiilkiisa, waxaana la sii deyn doonaa 8-da bisha juun, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Talaadadii soo baxay.

“ The Bench wuxuu ku billowday gabay aan u qoray ninkeyga maalinta aabaha, taasoo ku beegneyd  bishii uu dhashay wiilkeyga Archie” ayay ku tiri Meghan Markle war-saxaafadeed ay soo saartay.

Lammaanahaan ayaa ka baxay qoyska boqortooyada sanadkii hore, waxayna sheegeen waqtigaas inay doonayeen inay noqdaan kuwo dhaqaale ahaan madax banaan.

Labada lammaane ayaa u guuray magaalada ay ka soo jeedo Meghan Markle ee Los Angles horaantii sanadkaan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...