Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Xerada Ceelbaraf

Ceelbaraf (Halqaran.com) – Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkii subixii Talaadada maanta ah ay maleeshiyaadkooda ku qaadeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ururka Al-Shabaab ayaa bayaan ku sheegay in xoogagooda ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta xeradaasi, ayna weerarka ku dileen 59 askari, tobanaan kalena ay dhaawaceen.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Aroornimadii hore ee saaka oo Talaado ah, labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhigga Ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh/dhexe.

Dagaal xoogan ka dib, Ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyay saldhigga, xilligan hadda ah si buuxdo ayaan gacanta ugu haynaa saldhiggaas. Xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 askari lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay.”

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Shabaabka, dadka deegaankuse waxay sheegeen in weerarku ku bilowday qaraxyo, ka dibna uu xigay dagaal toos ahaa oo Shabaab ku qaadeen xeradaasi.

Xerada la weeraray ayaa waxaa deganaa Ciidanka Militariga Burundi, ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS.

Weli wax war ah ka soo saarin taliska ATMIS oo ku aadan weerarka abaabulan ee Shabaabku ku ekeeyeen Xeradooda Ceelbaraf.

Deegaankan ayaana ku yaala meel ku dhow xuduudda kala qaybisa Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...