Saturday, June 20, 2026
26.5 C
Mogadishu

Askari ka tirsan Booliska Somaliland oo toogasho ku dilay Haweeney da’ yar

Hargeysa (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Dil xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo loo geystay Gabar kamid ah aheyd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Najma Cabdullaahi, isla markaana waxaa toogtay Askari ka tirsan Ilaalada Maxkamadaha Hargeysa, waxaana falkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo gabadha uu muran soo kala dhex-galay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in gabadha oo wadatay gaari ay ku baakintay meel ku dhow Xarunta Maxkamadaha Magaalada Hargeysa, kadibna uu muran kooban dhexmaray Askariga iyo Najma, balse Askariga uu rasaas Najma uga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo markii dambena geeriyootay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Askariga falka geystay, kaasi oo isku dayey inuu baxsado, waxaana lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska.

Hargeysa ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal dil ah, in kastoo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay ku yaryihiin Magaaladaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...