Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hambalyo u diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay kaalinta muhiimka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariyeyaashu u hayaan bulshada ee ah wargelinta iyo bidhaaminta xaqiiqooyinka jira.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulshada, soo bandhigista xaqiiqooyinka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay saxafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u hayaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriyadda saxaafadda oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guulo iyo horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...