Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Aadan Madoobe oo Digniin culus u diray Taliyeyaasha ciidamada DFS +SAWIRRO

Muqdisho  (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka 11-aad ee JF ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan gaar ah isugu yeeray dhammaan Taliyeyaasha iyo Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Qalabka sida.

Kulankan ayaa inta uu socday looga hadlay xaaladda amniga doorashada dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa Saraakiisha uga digay inay ku milmin Arrimaha siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Waxaa ka soo qeybgalay kulanka taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Maxamed Xijaar, Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Qaroole, Taliyihii Hay’adda NISA Xildhibaan  Yaasiin Farreey iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha JF Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee uu Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu la qaato Taliyeyaasha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...