Mudug (Halqaran.com) – Waxaa –faah-faahin cusub ka soo baxaya dagaal beeleed ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Dagaal dhexmaray maleeshiyaad hubeysan ayaa sababey dhimashada labo qof iyo dhaawaca labo kale tuullo lagu magacaabo Ceel-Caday oo ka tirsan Deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug.
Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in dagaalkaan uu salka ku hayo muran ka dhex taagnaa muddooyinkan beello deegaanka wada dagan.
Dhinacyadan dagaalamey ayaa wada hub uruursi ballaaran, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo iska hor-imaad kale.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka uu ku sii fido deegaanka.
Ugu dambeyn, deegaankan oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ka mid ah deegaannada Al-Shabaab ay mudada dheer joogeen, walow aysan ku laheyn saldhig rasmi ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com