Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Waxaa –faah-faahin cusub ka soo baxaya dagaal beeleed ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaal dhexmaray maleeshiyaad hubeysan ayaa sababey dhimashada labo qof iyo dhaawaca labo kale tuullo lagu magacaabo Ceel-Caday oo ka tirsan Deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug.

Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in dagaalkaan uu salka ku hayo muran ka dhex taagnaa muddooyinkan beello deegaanka wada dagan.

Dhinacyadan dagaalamey ayaa wada hub uruursi ballaaran, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo iska hor-imaad kale.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka uu ku sii fido deegaanka.

Ugu dambeyn, deegaankan oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ka mid ah deegaannada Al-Shabaab ay mudada dheer joogeen, walow aysan ku laheyn saldhig rasmi ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...