Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Go’aankii Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta lagu wado inuu dhaqan-galo (Maxa cusub)

Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aan cusub ka soo saartay xakamaynta sicir bararka baahsan ee ka jira gudaha deegaannada Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa amar ku siiyay dhammaan Shirkadaha isticmaala adeegyada Lacag dirista Sahal iyo E-dahab, in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri karin.

Sidoo kale, wasaarada ayaa Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarif ahaan u qaataan lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilinka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid.

Amarkaas ayaa ku soo beegmay xilli Sabtida maanta uu Puntland ka dhaqan-gelayo go’aan Khamiistii ka soo baxay xukuumadda, kaas oo lagu joojiyay in hal Dollar iyo wixi ka yar la isu’gu diro nidaamka lacag dirita ee Sahal iyo E-dahab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...