Diinsoor (Halqaran.com) – Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxa uu dhacay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Diiinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.
Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Diinsoor ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan weli kala cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana Khasaaro ay gaarsiiyeen.
Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen degmada Diinsoor oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada DFS iyo Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





