Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed maanta guddoon doortay

Baydhabo (Halqaran.com) – Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baffo oo heley Codad gaareya 10-cod halka Maxamed Cabdullahi isxaaq oo la tartameyey uu heley 1cod

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeen Guddiga ayaa loo doortay Nuurdiin Ibraahim Aadan oo heley Codad gaaraya 9 cod halka Cabdullaahi Cabdi Mudalib uu helay 2-cod.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda ay doortaan Guddiyada doorashooyinka, Maamulada, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...