Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in Ciidamo taabacsan Generaal Abuukar Xuud iyo Ciidamada maamulka Hirshabelle ay ku dagaallameen halkaasi.
Generaal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaalkaasi iyo waxyaabaha dhaliyay.
Mr. Xuud ayaa sheegaya, in dagaalka uu qarxay, kaddib markii dhowr iyo toban wasiir oo yimid Beledweyne ay doonayeen inay shir ku qabtaan magaalada, isagoo sheegay inay isku ogaayeen inaysan soo gelin magaalada.
Generaalka Xuud ayaa xusay inay sii ogaayeen in madaxweynaha Hirshabelle iyo xubno kale ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne.
“Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen, wax dhaqaaq ah ma lahayn,” ayuu yiri.
Generaal Abuukar Xuud ayaa intaasi ku daray, in wasiirradaasi ay doonayeen inay magaalada shir ku qabtaan ayna isku dayeen inay awood adeegsadaan.
Wuxuu sheegay Generaalka, in dagaalkaasi dhankooda ay kaga dhaawacmeen laba Askari.
Generaal Abuukar Xuud ayaa carabka ku adkeeyay inaysan oggolaan doonin inay diyaarad ku soo degto magaalada, ‘‘Ciidanka AMISOM waxaan u sheegeynaa haddii ay diyaarad soo degto inay qarxeyso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Diyaaradihii waxay noqdeen kuwo Hirshabelle u shaqeeya,” ayuu hadalkiis sii raaciyay.
Si kastaba, wararka ayaa sheegaya, in dagaalka ka dhacay Beledweyne uu ku dhaawacmay hal qof oo kaliye, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karto Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





