Garoowe (Halqaran.com) – Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka XF Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda, waxana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka soo dhacay Muqdisho sanadkii dhamaaday ee 2020.
Waxaa shirkan ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland, Galmudug, Hiirshabelle, Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur.
Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya, dhammaantood ayaa ka mahadceliyay soo dhawayntii qiimaha badnayd ee wasaaradda caafimaadka Puntland ugu samaysay imaatinkoodii iyo inta ay joogeen, waxay sidoo kale muujiyeen ahmiyada uu dalka u leeyahay shirkaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ah ka soo baxo maalmaha uu socdo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland Dr Jaamac Farax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-
“Wasiirka caafimaadka Federaalka Marwo Fosiyo wasiiradda caafimaadka ee dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaaliya waxaan ku faraxsanahay inaan idinku soo dhaweeyo Puntland iyo inaan iskugu nimaano sidii looga wada tashan lahaa caafimaadka dalkeena, waxaan rajaynayaa in maalmaha soo socda ee shirku socdo.”
“Waxaan dhamantii wada ogtihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeena iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in aan la wada gaarin.”
“Ugu danbeyn shirkaan waxaan ka rajaynayaa in natiijo wanagsan ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.”
Wasiirka caafimaadka Dawlada Federaalka Soomaaliya Dr Foosiyo Abikar Nuur oo shirka si rasmi ah u furtay ayaa tiri:-
“ Marka koowaad waxaan umahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland sida wangsan ee ay noo soo dhawaysay kadib balanqaadkii dhamaadkii sanadkii hore balan qaadka sameeyay waana umahadcelinayaa.”
“ Shirkaan muhiimadiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





