Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Faah-faahin: Gen. Cali Gaab oo ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ee ciidamada booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cali Baare Xersi (Cali Gaab) ayaa maanta ka badbaaday, qarax miino oo gaarigiisa lagula eegtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa gaariga Taliyaha lala eegtay xilli uu marayay Wadada Afisiyooni gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Almasal, waxaana la sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Gaariga uu la socday Taliye Cali Gaab ayaa la sheegay burbur aan sidaasi u badneyn inuu soo gaaray, waxaana wararka ay sheegayeen durba inuu ka cararay goobtii qaraxa lagula eegtay.

Waa markii labaad oo Taliye Cali Gaab uu ka badbaado isku day dil oo lala damacsanaa, kadib markii todobaadkii hore lagu qarxiyay wadada Isbitaal Banaadir & Isbitaal Madiina u dhaxeysa.

Taliye Cali Gaab ayaa ah Taliyaha Hoggaanka Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliya, sidoo kalena ah Ku simaha Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Ciidamada Booliska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...