Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Suuqyada Magaalada Muqdisho in lagu kala iibsanaayo qalabka loogu talo galay Cudurka Coronavirus.
Qalabkaasi ayaa dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ugu deeqay dowladda kala duwan oo soo gaarsiiyay, balse Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay maamul xumo ka dhacday qalabkaasi inay sababtay in Suuqyada lagu kala iibsado.
“Waxa aan la soconaa in qalab badan oo dowlado kala duwan ay keeneen waxaa muuqata in aan loo adeegsan sidii loogu talagalay, waxaa kale oo naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaas ma fiicno, ammaanada in sida loo keenay loo guto ayaa la rabaa.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday isbitaalka Martiini oo lagu daaweeyo dadka uu soo rito cudurka safmarka ah ee Corona, wuxuuna tilmaamay in dad badan ay daryeel xumu ugu geeriyoodeen isbitaalkaas oo uu xusay in xaaladdiisu ay liidato.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa ku baaqay in la’is kaashado, islamarkaana meel looga soo wada jeeso dagaalka lagula jiro Covid-19.
Wuxuu markale yiri, “Waxa aan la soconaa Isbitaalka Martiini in dad badan xannaano xumo ugu dhinteen, xaaladdiisu aad u liitado, mas’uuliyad in aynu isi-saarno ayaa loo baahan yahay, dadkii wax usoo bartay in ay maalin waliba ka fikiraan dhaqaale waa ceyb‘‘.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





