Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan Khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Afgooye

Afgooye (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya qarax khasaaro xooggan geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa goob ku taalla degmada Afgooye, waxaana la sheegay in uu khasaare soo gaaray ciidamada iyo dad kale oo shacab ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada ku sugnaa halka uu ka dhacay ay muddo kooban joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka, walow markii dambe ay dib u fureen.

Sidoo kale, ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro, walow badankood ay Ciidamada siidaayeen dadka ay howlgalka ku qabteen.

Si kastaba, degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Shabeellaah Hoose, waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...