Hargeysa (Halqaran.com) – Golaha Wasiirrada Somaliland Kulan ay Khamiista maanta ah yeesheen ayaa waxa ay War-murtiyeed ka soo saareen arrimaha doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada labada aqal ee matalaya Somaliland, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa war-murtiyeedkooda ay ku sheegeen in Xildhibaannada lagu dooranayo Muqdisho ee matalaya Somaliland ay tahay meel ka dhac iyo gef loola bareerayo Somaliland.
War-saxaafadeedka kulankaasi ayaa waxaa lagu yiri, ‘‘Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan matalaada been abuurka ah ee Xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.‘‘
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Somaliland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





