DF Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya ganacsiga iyo horumarinta mashaariicda

Turkey (Halqaran.com) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xasan oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Ruhsar Pekcan.

Ujeedka kulanka labada wasiir ayaa ku qotomay iskaashi labada dal ay ka yeeshaan xoojinta xariirka gancsi iyo isdhaafiga dhaqaalaha ee ay labada dal wadaagaan.

Masuuliyiinta ayaa si weyn u wada lafa guray sidii labada wasaaradood ay xil gaar ah isaga saari lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dhinacyada badan leh ee dowladda Turkiga ay ka fuliso Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku raacay dardar gelinta heshiisyo ganacsi oo ay labada dal horay u wada gaareen kaas oo sare loogu qaadayo ganacsiga u dhexeeya labada dal.

Wasiirka ayaa howlahan shaqo u tagay dalka Turkiga kaddib markii uu casuumaad ka helay wasiir Pekcan.

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa dalka ka fulisa mashaariic ballaaran oo isugu jira kuwa dib loogu soo nooleynayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo gargaarka.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawisa dhanka dib u dhiska ciidamada iyada oo Muqdisho ka furatay saladhiggeeda millatari ee ugu weyn eek u yaalla meel banaanka ka ah dalkeeda.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku yimid gurmad uu shacabka Soomaaliyeed u fidiyay kaddib markii ay dalka ku dhufteen abaarihii cuslaa ee dalka ka dhacay sanadkii 2011kii.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com