Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Yaa Dilay Sarkaalka u dhashay dalka Ugandha ee Meydkiisa laga helay xerada Xalane ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Sarkaal u dhashay dalka Ugandha ayaa laga helay Meydkiisa gudaha Xerada Xalane ee Magaaladda Muqdisho.

Sarkaalka wali aan la aqoonsan cida dishay ayaa ahaa kaaliyayaasha Taliyaha Booliska AMISOM ee Soomaaliya, waxaana meydkiisa laga helay hoygii uu ka degganaa Xeradda.

Mid ka mid ah Saraakiisha Booliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa Sheegay inuu Socdo baaritaano la xiriira cida ka dambeysay dilkiisa, maadaama marar badan Xeradaasi ay ka dhaceen Toogashooyin ay isku geysteen Saraakiil iyo Ciidamo Ajaanib ahaa.

Illaa hadda ma jirto cid Xaqiijisay Sababta ka dambeysay Geerida Sarkaalkaasi oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Amisom qeybta ka howlgasha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...