Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

DF Somaliya oo war deg-deg ah ka soo saartay dagaalka ka socda Itoobiya +(AKHRISO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF, kaas oo sababay geerida Boqolaal qof iyo barakaca kumanaan kale.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha ka soo cusboonaaday dalka Itoobiya, waxaana lagu baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay walaac ka muujisay xaaladda soo shaac baxday ee Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wada hadal lagu dhammeeyo is afgaranwaaga ka dhex jira Itoobiya. Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba waxay diyaar u yihiin inay ku bixiyaan taageero buuxda baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya.

Soomaaliya waxay ka dhawaajineysaa baaqyo ka yimid gobolka oo ahaa in si deg deg ah oo nabad ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qabtaa in hadda, in ka badan sidii hore, in gobolkeennu u baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo yoolka guud ee nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna. Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa midnimada ay la leedahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...