Thursday, January 22, 2026
24.6 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa galabta kulan dhinaca qadka Internet-ka ah ee Video call (Conference) waxaa uu la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamota.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay in kulanka ay labada mas’uul uga wada hadleen Arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Dib u heshiisiinta, amaanka iyo Doorashooyinka Federaalka ee nagu soo fool leh iyo sidii si Wadajir ku wada Shaqeyn lahaayeen Sanadaha  soo socda

Waa kulankii ugu horreeyay oo Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle uu la yeesho Xubno ka tirsan Beesha Caalamka tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhawaan waxaa uu xubnaha Beesha Caalamka ku eedeeyay inaysan gacan ka geysan aArrimaha doorashooyinka iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...